Galmudug oo qabatay dooni kalluumeysi sharci-daro ah waday

Ciidanka badda Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay dooni kalluumeysi sharci daro ah ka waday xeebaha Galmudug, kadib howlgal ay ciidanka ka sameeyeen xeebaha ku teedsan degaanada Galmudug.

Doonidaan ayaa laga leeyahay dalka Yamen.

Ciidanka Badda dowlad goboleed Galmudug ayaa dhaawacay labo ka mid ah shaqaalihii doonida waday ka dib markii ay isku dayeen in ay baxsadaan .

Doonida ayaa waxaa saarnaa shaqaale aad u badan oo tiradooda lagu qiyaasay 30 qof.

Doonida ayaa hadda lagu haya degaanka labad oo ku dhaw Magaalada Gaalkacyo.

Howlgalkaan ayaa ciidanka Galmudug waxa ay bilaabeen maalmo ka hor, waxaana u jeedka howlkaani uu ahaa in laga hortago kalluumeysiga Sharcidarada ah.