Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, iyada oo dowladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug ay guulo ka sheegteen dagaal ay la galeen Al-Shabaab.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ay Ciidamada kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in hwolgallada oo weli socda ay hoggaaminayaan Sanoter Cabdi Qeybdiid iyo Janeraal Saadaq Joon iyo saraakiil kale, isla markaana 18 Goobood oo isugu jira degmooyin iyo degaano lala wareegay.
Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi waxaa uu sheegay in uu geba-gabo ku dhow yahay wajiga koowaad ee howlgalka, sidoo kalena howlgallada ay sii socon doonaan ilaa Al-Shabaab laga saarayo Goobaha ay ku sugan yihiin.
In ka badan laba Bilood ayaa Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in halkaasi ay ka dhaceen dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.



