Wasiirada Amniga Gudaha, Dekedaha iyo kaluumaysiga iyo saraakiil kale ayaa maantay dhagax dhigey Akademiyada Tababarka Ciidamada Booliska Galmudug duleedka dhanka Bari ee Magaalada Cadaado.
Akademiyadan ayaa noqon doonta halka lagu tababari doono Ciidamada Booliska ee dhawaan Galmudug ay xareyn doonto, ayadoo weli ay socdaan hawlihii xareynta iyo tababarka Ciidamada Daraawiishta.
Akademiyada Tababarka Ciidamada Booliska ee cadaado ayaa ka mid aheyd qorshayaashii hore ee Galmudug balse wasaaradda amnigu ay rabto in ay horgaliso.
Wasiirka Wasaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhawaan la wareegay maleeshiyo Beeleedyo ku sugnaa Gobolka Mudug iyo hubkooda,waxaana uu sheegay in ay la wareegi doonaan maleeshiyadka ku sugan Gobolka Galgaduud.



