Galmudug oo bilaawday xalinta dagaal Beeleedyo ka dhacay Galgaduud

Wasiiro, xildhibaano, maamulka degmada Dhuusamareeb iyo odayaal dhaqameed ayaa waxaa ay gaareen deegaanada Qalanqale iyo Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo horey ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beelood.

Masuuliyiintan ayaa waxaa ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanadaasi, iyagoona kulan la qaatay mid ka mid ah beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaanadaasi.

Xubnahan ka socday Galmudug iyo odayaasha ayaa waxaa ay beelaha ka dalbadeen in ay joojiyeen colaada ka taagan deegaanada Qalanqale iyo Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxaa ay kulan la qaateen taliyaha Qeybta 21-naad Genaraal Qooje Dagaari iyo General Mascuud taliyaha Guutada 15 ee ciidanka xoogga dalka.

Wasiirada, xildhibaanada maamulka degmada Dhuusamareeb iyo odayaasha ayaa balanqaadeen in ay ka shaqeyn doonaan nabada deegaanada lagu dagaalamay