Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa ka hadlay isbeddelka ku dhacay booskiisii caadiga ahaa ee uu ka ciyaari jiray oo uu tababare Valverde ka beddelay markii uu dhaawacmay Arthur.
De Jong waxa uu sheegay in uu awood u yeeshay in uu Barcelona dhexdeeda kusoo bandhigo awooddiisa ciyaareed, una heellan yahay inuu wax badan soo bandhigo, laakiin waxa uu tilmaamay in sidii uu ku ahaa Ajax aanu ku ahayn Barcelona.
“Waqtiyo badan ayaan soo bandhigayey awooddayda ciyaareed, in ka badanna wali waan samayn karaa. Ma ihi mid u muuqda sidii Ajax, booskayga haddana waxaan u baahanahay inaan goolal ku dhaliyo, kuwo kalena ku caawiyo.” Ayuu yidhi.
De Jong oo u warramay wargeyska De Telefraaf, waxa kale oo uu ka hadlay doorashadii saaxiibkii De Ligt uu ku aaday Juventus xagaagii, xilli lala xidhiidhinayey Barcelona, waxaanu yidhi: “Isaga ayaa go’aansaday inuu tago Juventus, si fiicanna wuu ula haystaa Turin. Laakiin taasi kama dhigna in aanu sanndo yar kaddib iman karaynin Barcelona.”
Waxa kale oo uu soo qaaday dhaawaca soo gaadhay Arthur Melo oo khadka dhexe ay iska garab ciyaari jireen, waxaanu yidhi: “Boosaska badan ee aan ka ciyari karo waa faa’iido, sida uu tababaruhu yidhi. Hadda inta badan waxaan ka ciyaaraa dhinaca bidix ee khadka dhexe, sababtoo ah Arthur Melo ayaa dhaawac ah. Xaqiiqdii waan ku faraxsanahay in aan in badan ciyaaray bilahan ugu horreeyey.”



