Tababare Frank Lampard ayaa ka hadlay halka uu marayo wada-xaajood ay kooxdiisu kula jirto xiddiga reer Brazil ee Willian oo heshiiska uu kula jiro Chelsea uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedka.
Willian oo ay da’diisu tahay 31 jir ayaa Chelsea u dhaliyey laba gool oo ay Tottenham ku karbaashtay Axaddii, hase yeeshee, waxay goolashaasi fureen dooddii ka taagnayd mustaqbalkiisa iyadoo la is barbar-dhigay sida ay Blues noqon doonto haddii uu ka tago marka uu xili ciyaareedku dhamaado.
Willian ayaa waxa uu bishii hore tilmaamay in aanu weli ka helin Chelsea dalab ay heshiiska ugu kordhinayso, laakiin tababare Lampard ayaa warbaahinta u sheegay in laacibkan ay bisha August da’diisu noqon doonto 32 jirka ay la bilaabeen wada-hadallo, waxa kaliya ee dhimanna ay tahay in meel la isla dhigo mushaharka uu qaadanayo marka heshiiska loo kordhiyo.
Wada-hadallo ayuu kula jiraa kooxda, waxaanu naadiga kala hadlay dhinaca lacagta.” Ayuu yidhi Lampard.
“Khibradda ayaa ku caawinaysa marka aad hesho koox da’yar, marka ay dookhyada kale yihiin da’yar, xaqiiqdii khibradda ayaa caawisa. Dhamaan ciyaaryahannadu isaga way jecel yihiin, waa ciyaartoy buuxiya meelaha ay kooxdu ka dayacan tahay, markaa xaqiiqdii waanu ku faraxsanahay.



