Farmaajo oo u ambabaxay Qatar

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdigiisii ku sugnaa Magaalada Djibouti ee Xarunta Wadanka Jabuuti, Laba maalin ayaa galabta uga dhoofay dhinaca Magaalada Doha.

Madaxweyne farmaajo ayaa dhowaan casuumaad ka helay Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, sidaasi darteeda ayuu galabta ku aaday dalka Qatar.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, C/nuur Maxamed Axmed, ayaa tilmaamay in safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu salka ku hayo, Barnaamijka Dowladda Soomaaliya ay dalalka saaxiibada uga raadsaneyso taageero amni iyo mid dhaqaalaba.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa booqashadaasi ku wehlinaya Wasiirada Arrimaha Dibadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Amniga.

Booqashadan, ayaa waxay noqoneysaa middii ugu horeysay uu Farmaajo ku taggo Qatar, waxayna ka dhigan tahay booqashadiisii 10-aad oo dalalka dibadda uu ugu amba baxo, tan iyo markii uu xilka qabtay.