Muqdisho-RisaalaFM- Qarax Gaari oo jugtiisa si xoogan looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay nawaaxiga Dekada Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, ayaa la sheegay in uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen.
5 Qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan Hooyo iyo wiilkeeda, 6 kalena way ku dhaawacmeen, Qaraxa ka dhacay derbiga Dekada Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay isku bedeshay buuq iyo sawaxan, waxaana goobta soo buux dhaafiyay shacab fara badan.
Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxan.
Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxana ay xireen goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyaga oo dadka ku amrayay in ay ka fogaadaan goobta.



