Muqdisho-RisaalaFM- Sida Qorshaha uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shir guddomin doona shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo ay ka mudeysan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Shirka Golaha Amniga Qaranka oo la filayo in magaalada Muqdisho uu ka furmo gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha ku saabsan Amniga guud ee dalka, Qorshaha isku dhafka Ciidanka iyo sidoo kale guulihii laga gaaray Howlgalka xasilinta Muqdisho.
Ajandayaasha shirka sidoo kale waxaa qeyb ka ah dhameystirka qodobo looga hadlay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee kan ka horeeyay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay iin ay rajeynayaan in uu guul ku soo dhamaado shirkan, lagana soo saaro qodobo ay isku raacsan yihiin Madaxda ka qeyb galeysa.
Qaar ka tirsan Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halka kuwa kalena ilaa gelinka dambe ee maanta ay soo gaari doonaan, si ay shirka uga qeyb galaan.



