Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa soo hagaageysa xaalada caafimaad ee Agaasimhii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, kadib markii xalay Gaarigiisa Qarax Miino lagula eegtay xaafada Taleex ee degmada Hodan.
C/risaaq Bahlaawi ayaa dhaawicii soo gaaray waxaa hada lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdsho ee caasimadda Soomaaliya.
Sidoo kale Qaraxan waxaa ku dhaawacantay qaar ka tirsan ilaalada Agaasime Bahlaawi, iyo dad shacab ah oo xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay hareeraha wadada.
Qaar ka tirsan Masuuliyiinta Dowladda iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku booqday Isbitaalka, iyaga oo ka wareystay xaaladiisa caafimaad.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa warbaahinta u sheega xaaladiisa caafimaad in ay tahay mid wanaagsan.
Bahlaawi ayaa dhowaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq, booskiisa waxaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay C/raxmaan Al-cadaala.



