FALANQEYNTA:- Manchester City Vs Dynamo Kyiv

Manchester City ayaa rajeyneysa in ay ka fogaadaan guuldaro kale oo kasoo  gaartaa kooxdan,kadib sanadkii 2011, oo ay kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kyiv quarter-final UEFA Champions League ay ku wajahday.

Manchester City FC ayaa indhaha ku heysa in markii ugu horeysay quarter-final UEFA Champions League ay garaan, waxaana ay fursad fiican heystaan Lugta Hore ee Cawa ay wajahayaan FC Dynamo Kiev lugta hore ee wareega 16ka.

MAXAA KA CUSUB KOOXAHA

Tababaraha kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa dib u soo dhaweyn markale Eliaquim Mangala iyo sidoo kale ciyaartoydiisa muhiimka ah kulanka Champions League wareega 16ka, lugta hore ay ku wajahayaan Dynamo Kiev.

Macalinka reer Chile ayaa nasasiiyay magacyada waweyn ee kooxda safarkii Chelsea ,isagoo kooxdiisa ku daday lix dhallinyarada hoose ah markii ee guuldaro FA Cup ay kaso gaartay Bules.

Pellegrini ayaa wajihi kulankii ugu dambeeyay Horyaalka ee Tottenham indhaha ku hayay Mangala.

Daafaca France ayaa ka maqnaa kooxdiisa tan iyo 6 January sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Pellegrini iyo ciyaartoydiisa ‘muhiimka ah’

Pellegrini ayaa lahaago’aankiisa uu ku soo shirtagi xidigo ubadnaa dhalinyaro, si kooxdisa natiijo fiican kaga keenan kulanka Champions League caawa.

“Waxaan sameyay go’aan adag kulankii Chelsea, laakiin waxa uu ahaa doorashada kaliya ee aan lahaa,” ayuu yiri Pellegrini.

“Waxaan kaliya heystay 13 ciyaaryahan, sidaas ayaa wax walba nagu qasabtay ayuu hadalkiisa ku daray.

“Tani waxay gabi ahaanba hoos u dhac u keentay awooda kooxda,waa inaan ka fakirnaa wax badan cawa ayuu yiri.

Kevin de Bruyne iyo Jesus Navas, ciyaaryahanada khadka dhexe Samir Nasri iyo Fabian Delph iyo sidoo kale weeraryahanka Wilfried Bony ayaa weli ka maqnaan City.

XAQIIQOOYINKA

City ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda,ku ciyaartay 3-1 iyo 2-1 waxaa kulamo isku xiga ku garaacay Leicester City FC iyo Tottenham Hotspur FC.

Vincent Kompany ayaa ciyaaray kulankii Tottenham, wuxuu ahaa kulankiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu dhaawac kubka ah soo gaaray 26 December.

1 February, City ayaa ku dhawaaqay in Josep Guardiola uu kua bedeli doono Shaqada Pellegrini dhamaadka xagaaga.

SAFKA MACQUULKA AH.

Dynamo Kyiv: Shovkovskiy; Danilo Silva, Khacheridi, Dragovic, Vida, Rybalka, Garmash, Buyalskaya, González, Yarmolenko; Teodorczyk.

Manchester City: Hart; Zabaleta, Kompany, Otamendi, Clichy, Fernandinho, Fernando, Silva, Touré, Sterling, Aguero.