Ciyaartoyda Arsenal oo ku kala feker duwan inay ka soo bixi karaan Barcelona

Daafaca buuxa ee Arsenal Hector Bellerin ayaa sheegay in fursado ay weli u heysato kooxdiisa inay usoo baxdo tartanka Champions League, inkastoo qasaaro 2-0 ay kasoo gaartay Barcelona ,

Waxa uu sheegay in kooxda ugu danbeya ay sugi doonaan ,isagoo rajo ka leh ciyaarta ka dhaceysa garoonka Barcelona.

Kooxda Waqooyiga London ayaa ku dhibtooneysa inay ka gudubto wareega 16-ka  , iyadoo labo gool qeybtii labaad uu ka dhaliyay Lionel Messi lagu qarajiyay.

Alex Oxlade-Chamberlain iyo Olivier Giroud ayaa ka qasaariyay Arsenal fursado ay gool ku dhalin kartay  ,lugta labaad ayaa ku ciyaari doonaa Camp Nou bisha soo socota.

Aaron Ramsey ayaa seegay in fursad weyn ay qasaarisay xalay kooxdiisa oo ay Barcelona ay 2-0 uga badiyeen garoonkooda Emirates.

Gunners ayaa fursad u helay hogaanka inay qabtaan qeybtii hore iyadoo Alex Oxlade-Chamberlain uu ka badbadiyay koobad toos aheyd Andre Ter Stegen.

Goolhayaha Jarmalka ayaa markale ka diiday Olivier Giroud oo isku wanaagsan madaxa ku sameeyay.

“Waxaan sameeynay wax fiican qeybtii hore – waxaan abuurnay fursado dhowr ah, laakiin ma aanan ka faa,ideysan,” Ramsey ayaa u sheegay BT Sport.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka dhisan Premier League ayaa waxaa laba gool ka dhaliyay Lionel Messi qeybta labaad ee ciyaarta.

Anaga dhan ayaa sabab u aheyn ,waayo waxaan qasaarinay fursadeeheenii ayuu yiei Ramsey.

Arsene Wenger ayaa dhaleecyeeyay qaab cayaareedkii kooxdiisa ee kulankii Barcelona, markaas oo 2-0 looga badiyay Arsenal oo joogtay garoonkeeda Emiarets.

Gunners ayaa u muuqata in xilli cayaareed 5-aaad oo xiriir ah ay ku hari karto wareegga 16-aad ee Champions League-ga,inkastoo ay weli heysato fursad ay kusoo bixi karto,haddana waxaa la aamisan yahay ku adkaan doonto soo reebidda Barcelona oo joogta Camp Nou.

Isagoo u waramay BT Sport, Wenger ayaa yiri ” si la mid ah kulankii Monaco ee xilli cayaareedkii hore oo annagoo guul gaari karnay nagala badiyay ayaa mar kale soo laabatay,”. Goolkii 2-aad ee rigoorada ahaa ayaa xaaladda nagu adkeeyay,annagoo og in aysan macquul noqon doonin guul ayaan u dagaal tegi doonaa garoonka Camp Nou”.

” Waxay aheyd inaan gool dhalino 20-kii daqiiqo ee ugu horeeyay,markaas jaanis fiican ayaan lahaan laheyn,fursado badan ayaan helnay laakiin kama faa’ideysanin”.

” Waxay aheyd inaan iska ilaalino kubbadaha rogaal-celiska ah,waayo Barca waxay heysataa weeraryahano natiijo u baddeli kara marka ay soo weeraraan daafac tiro yar”.

” Ma ahan cadaallad inaan dhaleeceyno cayaartoyda,waana inaan qiimeeynaa dadaalkooda,laakiin wax laga niyad-jabo ayay aheyd inan u muuqanay kuwoo daallay”.