Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo Caawa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aasay sida ay Risaala u sheegeen goobjoogayaal.
Qof ka mid ah dadka ku sugan isgoyska Tarabuunka ayaa Risaala u sheegay in ku dhawaad 3 qof oo Meyd ah uu arkay.
Mas’uulyiin ka tirsan dowladda oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ay jiraan Qaraxyada , islamarkaana waxa ay sheegeen in ay dib faahfaahin ka bixin doonaan
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray Wadada tarabuunka.
Faahfaahin dib kala soco


