Askari ka tirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa maanta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa uu ku toogtay darawal kaxeynaayay Mootada loo yaqaan Bajaajta.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda buulo Xuubeey, waxaana la sheegay in uu baxsaday Askarigii falkaasi geystay.
Dilka ayaa yimid ka dib markii uu Askarigu ka dalbaday in wadaha Bajaajta in uu qaado , ka dibna uu diiday sidaasna lagu dilay Darawalka Mooto Bajaajka Waday .
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan ka dalbada Wadayaasha Mootada loo yaqaano Bajaajta in ay qaadaan.
Askar ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa lagu dhex arkaaya Magaalada Muqdisho , kuwaa soo marar qaar dhibaato u geysta Bulshada.


