Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday goob ganacsi oo ku taalla magaalada Burlington ee Gobolka Washington ee dalka Mareykanka.
Gudoomiyaha gobolka Washington ayaa xaqiijiyay dhimashada ku dhawaad 4 qof iyo sidoo kale dhaawaca tiro intaas ka badan .
Cascade Mall oo ah Suuqa ay ka dhacday toogashada ayaa la xiray , waxaana ciidanka ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa ninkii ka dambeeyay toogashada oo la sheegay in uu baxsaday.
Ciidanka ammaanka ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana la xiran inta badan suuqyada ku yaalla magaalada Burlington ee Gobolka Washington ee dalka Mareykanka.



