Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo kasoo tagay degaanka Cabdalle Biroole , islamarkaana kusoo jeeday Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen ciidamada maamulka Jubbaland.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in Qaraxu uu qabsaday Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamada.
Askarta dhaawacyada qaba ayaa la geeyay isbitalka magaalada Kismaayo.
Laamaha Amniga Maamulka Jubbaland oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay hadda Faahfaahin ka bixiyaan Qaraxaasi.
Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa inta badan Galbeedka Magaalada Kismaayo kula dagaalama Al-Shabaab.


