DHAGEYSO WAREYSI: 140 Qoys oo Soomaali ah oo dooni laga soo saaray dalka Yemen

Qunsuliyadda Soomaaliya ee  dalka Yemen ,Hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’addo kale oo iskaashanaya ayaa suurgeliyay in ay soo daadgureeyaan dad badan oo Soomaaliyeed  oo ay Saameeyeen dagaallada ka socda dalka Yemen.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan , oo loo yaqaano Axmed Suudaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa  sheegay in dad badan in ay ka soo badbaadiyeen dagaalada dalka Yemen Gaar ahaan Magaalada Cadan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in wajigii labaad ee lagu daadgureeynayo dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Cadan in uu bilowday.

Waxaa uu sheegay in dooni ay soo saareen 140 qoys oo Soomaaliyeed ,maanta Gelinka dambana ay soo gaari doonaan Magaalada Berbera.

Dadkaan ayaa badankood waxa ay kasoo jeedeen Koonfurta Soomaaliya , waxaana diyaarad looga soo qaadi doona Magaalada Berbera,iyadoona lasoo gaarsiin doono Muqdisho.

Tan iyo markii dagaalada ay ka bilowdeen dalka Yemen , waxaa socday dadaalo kala duwan oo lagu soo daad guraynaayo dadka ay dhibaato ku heysato Magaalooyinka ay dagaalladu ka socdaan ee dalka Yemen.