Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari ayaa goor dhow ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir sidda ay u xaqiijiyeen Idaacadda Risaala goobjoogayaal halkaasi ku sugan.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Shakti iyo jiiro Garoob, waxaana ka dhashay Khasaare.

Sidda dadka degaanka ay xaqiijiyeen Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu Dhejiyay gaari Surf ah oo la sheegay in uu watay wiil dhalinyaro ah, waxaana kasoo gaaray dhaawac Culus.

Ciidanka Booliska ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca wiilka dhalinyarada ah.