Faahfaahin qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Weydoow oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Miino ah galabta orax dhicii lala eegtay gaari uu watay sarkaal ka tirsan qeybta canshuuraha gobolka Banaadir.

Sarkaalka gaarigaan watay oo magaciisa lagu soo koobay Salaad iyo ilaaladiisa oo la saarnaa gaariga ayaa ku dhaawacmay waxaana loola cararay dhaawacooda mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho oo xaalkooda caafimaad loola tacaalayo.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaan ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay qaraxaasi mana jirto dad loo soo qab qabtay.

Dhawaanahaan ayaa waxaa wadada isku xirta deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada nuucoodu uu yahay Miinada dhulka lagu aaso ee lala beegsado gawaarida ay wataan shaqaalaha kala duwan ee dowladda.