Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Jowhar

Faah faahino dheeraad ah ayaa  ka soo baxaya Qarax Xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe gaar ahaan guri ku yaal meel ku dhow Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa waxa uu sababay dhimashada 1 Gabar oo 2 sano jir ah, waxaana ku dhaawacmay gabadha geeriyootay hooyadeed oo guriga ay ku wada sugnaayeen.

Dadka degaanka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo shegeen in dhawaqa Qaraxa laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay degenaayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowlada Hoose ee magaalada Jowhar balse waa ay  ka badbaadeen oo waxba kuma noqon sida ay sheegeen weriyaal ku sugan magaalada Jowhar oo aan la xiriirnay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe Xaayow.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ciidamada nabadsugida balse waxa ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan waxa sababay qaraxan.