DHAGEYSO: Xagee ku dambeysay doorashadii Madaxweynaha Galmudug ?

Xildhibaan Saalax Axmed Caynte oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dib loo dhigay doorashadii Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dalka uu wali ku jiro xaalad kala guur ah , islamarkaana waqtigaan aan la dooran karin Madaxweyne.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay marka lasoo magacaabo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ka dib in ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Shalay ayay ku beegneyd Maalintii ay sheegeen xildhibaanada Galmudug qaarkood in ay dooranayaan Madaxweyne.

Horay ayaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ay u sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed inkastoo uu xilka qaadistaasi Guuleed uu ku tilmaamay sharci daro.