Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan Dhabarka dambe ee Xarunta Degmadda Xamarjajab.
Qaraxa ayaa ahaa Mid aad u xooggan waxaa ka dhashay khasaare kala duwan sidda ay sheegayaan Saraakiisha Ciidanka Booliska.
Qaraxa waxaa uu dhacay xilli goobta ay soo galaayeen Shaqaallaha xarunta, waxaa sidoo kale Wadada horta marayay dad Shacab ah iyo gaadiid.
Ciidanka ilaaladda Dekedda Muqdisho ayaa furay rasaas badan ka dib markii uu Qaraxu ka dhacay.
Xarunta ilaalada Canshuuraha biriga ayaa ka mid ah meelaha sidda weyn loo adkeeyo ammaankooda, waxaana ay ku taalla Dekedda Muqdisho oo ka mid ah Ilaha ugu muhiimsan dhaqaallaha dalka.
Wali lama xaqiijin karo Khasaaraha dhimashada iyo dhaawac leh ee ka dhashay Qaraxa.



