Faahfaahin Gaari ku Qarxay degmada Yaaqshiid

Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa Maanta ku qarxay Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Gaariga noociisa ayaa ahaa Saaruf , waxaana ka dhashay Qaraxa Gaariga dhaawacyo sida ay sheegeen Madax ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa la soo dhigay meel ku dhow isgoyska Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay ninkii waday Gaariga iyo sidoo kale Bastooladii uu watay.