Faahfaahin duqeyn ka dhacday Koonfurta Mudug

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay  kasoo baxayaan diyaarado duqeeyey degaano hoostaga degaanka Caad ee degmada Xarardheere koofurta gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa ka dhacday degaanka Maamiye shalay 5:00 galabnimo, waxaana la sheegay in ku dhawaad 6 Madfac ay diyaarado ku dhufteen labo saldhig oo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Sidda Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Mudug  Duqeynta ayaa sii socotay ilaa xalay 8:00PM , waxaana sidoo kale duqeynta lala beegsaday gaadiid dagaal oo ku sugnaa degaanka Caad.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Al-Shabaab iyo waliba dadka Shacab ah ,maadaama duqeynta ay socotay Waqti dheer.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacday degaanka Maamiye.

Bishii hore October ayey aheyd markii diyaarado duqeeyeen kolonyo gaadiid waday ciidanka Al-Shabaab, duqeyntaas oo Alshabaab kasoo gaaray khasaare badan, waxaana ku dhintay dad ka badan  60 askari.