Faahfaahin diyaarad ku dhacday duleedka degmada Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad ay ku burburtay garoonka labaad ee degmadaasi ay leedahay.

Diyaaradaan oo siday qaadka Kenya ayaa maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Moqor ee degmada Caabudwaaq kadib markii ay luguhu ubixi wayeen.

Majirto wax qasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkaan diyaaradeed marka laga reebo burburka diyaaradan.

Laamaha amniga degmada Caabudwaaq ayaa gaaray halka shilka uu ka dhacay, waxa ay hadda ay baaritaano ku waddaan waxyaabaha keenay shilka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa degmada Caabudwaaq waxaa ka taagnaa khilaaf ka dhashay cida keenaysa qaadka Kenya.