Faahfaahin dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Dagaal culus ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray inta u dhaxeysa degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo kusii jeeday Magaalada Baydhabo ay jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu socday dagaalkaasi muddo saacad ah sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray.

Wariyeyaasha gobolka Baay ayaa soo sheegaya in ay jiraan khasaarooyin badan oo laba dhinac soo kala gaaray.

Ilaa iyo hadda lama ogga tiradda saxda ah ee dagaalkaasi ku dhimatay, laakiin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen 6 qof oo ah dhinacyadii dagaallamay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ciidamada Ammaanka laga doonaayo in ay qaadaan tilaabooyin lagu furaayo wadooyinka gobolka Baay.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay degaano badan oo ku yaalla maamulka Koonfur Galbeed, waxaana taasi ay caqabad ku noqotay dadka Shacabka ah.