Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xalay ka kacay suuqa Bakaaraha Gaar ahaan qeybta lagu iibiyo kabaha kana agdhow halka lagu magacaabo Suuqa Sarifka.
Dabka ayaa ka bilowday guri kabaha lagu iibiyo , waxaana uu ku faafay qeybaha kale ee Kabaha lagu iibiyo.
Hanti badan ayaa la sheegay in dabkaasi ay ku baaba’day inkastoo ay ku guuleysteen gaadiidka Gurmadka deg deg ah daminta dabkaasi.
Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee gaaray Markii uu dabku bilowday ayaa Risaala u sheegay in dabkaasi ay ku gubteen ilaa iyo Saddex Guri oo kabo ay ku jireen ,islamarkaana ka agdhawaa Sarta Sheekh Cali Dheere.
Mid ka mid ah Guryaha gubtay ayuu sheegay in uu ahaa guri dabaq ah oo ganacsiyo badan ay ku yaalleen.
Ma jirto Khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaasi , marka laga reebo hantida gubatay.
Ilaa iyo hadda lama ogga waxyaabaha sababay dabkaasi.


