Codbixinta doorashada Kenya oo billaabatay

Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday codbixinta doorashada guud iyadoo ay dadka ku jiraan safaf dhaadheer. Meelaha qaar dadku waxay billabeen inay safka galaan 1-dii habeenimo inkastoo ay codbixinta si rasmi ah u billaabatay 6-dii arroornimo.

In ka abdan 19 milyan oo qof ayaa u diwanagalnsa codbixinta maanta.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u coday doonaan 6 jago laga soo bilaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha imika xilka haya iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Haddii la waayo musharax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,waxana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah .

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhawaaqaan natiijada madaxwaynanimada.