Faah faahin:-Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso,waxaana uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa Miino lala eegtay Gaari ay wataan Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay,hayeeshee weli aan la shaacin.

Qaraxa kadib Ciidamada dowladda ayaa waxaa la sheegay inay fureen rasaas farababadan taas oo la sheegay inay ku waxyeeloobeen dad Shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale waxaa mudo hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka,hayeeshee markii dambe ay dib u furmeen,kadib markii Ciidamada dowladda ay socdaalkoodii sii wateen.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa inta badan qaraxyo miino lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inta ay ku socdaalayaan wadadaas,iyada oo ay ka dhashaan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.