Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, isla markaana jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degmada Deyniile, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lala beegsaday Gaari nooca dagaalka ah ee loo yaqaan Cabdi Bilaha oo marayay laamiga dheer ee Dayniile , gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelka Ifis.
Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray Ciidamadii gaariga saarnaa iyo dad Shacab ah oo wadada marayay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas farabadan, waxana dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay Goobaha caafimaad ee Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo halkaas, iyada oo goobta uu qaraxu ka dhacay ay gaareen ciidamo isugu jira millatari iyo booliis kuwaa oo baaris wada.



