Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barkhanimadii maanta waxa ay is rasaaseyn ku dhexmartay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Warshadda Daawada iyo Xerada Asluubta, oo u dhow Isgoyska Ex-control Afgooye.
Is rasaaseyntan ayaa waxa ay dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan Ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Is rasaaseyntan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii guri halkaasi laga dhisayay ay tageen Ciidamo doonayay in ay lacag canshuur ah ka qaataan balse ay halkaasi tageen Ciidamo kale oo difaacayay dadka guriga degan, sidaasina laba Ciidan ay isku rasaaseyeen.
Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhintay halka 3 qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadiiba lool cararay goobaha caafimaadka ee Muqdisho, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.
Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa ah mid caadi ah oo jawiga waxa uu ku soo noqday sidii hore, kadib markii ay halkaasi soo gaareen Saraakiil Ciidan oo dhex dhexaadin sameeyay.


