Muqdisho-RisaalaFM- Laba ruux ayaa ku geeryootay oo mid ka mid ah la sheegay inuu yahay ninkii watay gaari yar oo marayay meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan, halka ruuxa kalena uu ahaa qof wadada dhinaceeda taagnaa, kadib markii Rasaas lagu furay sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.
Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobtii ay joogeen, waxaana wararka ay sheegayaan in qof ka mid ah labada ruux ee la dilay uu ka tirsanaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya, gaar ahaan ruux watay gaariga.
Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay baaritaan ammaanka lagu xaqiijinayo, mana aysan suuragelin in la soo qabto kooxdii dilka geysatay.
Shalay ayay aheyd markii qarax bam gacmeed lagu tuuray Ciidan ku sugnaa isgoyska Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.


