Faah faahin Dil ka dhacay Gobolka Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Waxaa shalay gelinkii dambe Labo nin lagu dilay Deegaan lagu magacaabo Ari-cadeys oo u dhexeeya Degmooyinka Caabud-waaq iyo Balanbale, kadib markii Maleeshiyo hubeeysan ay jid-gooyo u dhigteen tacshiiradna ku fureen.

Sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacmay wadihii Gaarigii ay la socdeen nimanka la dilay, iyadoo Qof kale oo rakaabka ka mid ahaa uu dhaawacmay.

Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Labada nin ee la dilay in ay u shaqeeynayeen Hay’ad lagu magacabo Helo Trust.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dilkan uu daba socdo, dil horaantii Bishan ka dhacay Magaalada Caabud-waaq, halkaas oo lagu dilay Nabaddoon.

Gaariga la weeraray ayaa ka amba baxay Magaalada Caabud-waaq, isagoona kusii jeeday Magaalada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan Mas’uuliyiinta Galmudug oo ka hadashay dilkaasi iyo cid sheegtay Mas’uuliyada dilkan.