Iyadoo dhowaan la filayo inay dalka ka dhacaan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya cadaadisyo iyo culeys la saarayo Musharaxiinta qaar, gaar ahaan kuwooda miisaanka leh, kadib markii maanta Warqad ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Warqada ka soo baxday Maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ah mid lid ku ah Musharaxiinta dalka dibadiisa ku sugan ee lagu wado in maalmaha soo socda yimaadaan Muqdisho, waxayna tani tahay mid loogu hor-istaagayo dhoolatuskooda Ololaha Doorashada.



