Sh/Dhexe-RisaalaFM- Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. C/laahi Cali Caanood oo la halday Risaala ayaa sheegay Dagaalka in uu si gaar ah uga dhacay degaanka Cali-fooldheere.
Wuxuu sheegay Dagaalkan in ay ku dileen 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, halka dhankooda uu sheegay in looga dilay laba Askari.
Sidoo kale Gen. C/laahi Cali Caanood Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay Ciidanka Dowladda in ay ku baxayaan degaanada Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ugu dameyn wuxuu Dhalinyarada Shabaab ku jirta ugu baaqay in ay ku soo biiraan Dowladda Federaalka, si ay u helaan waxbarasho iyo fursado shaqo.



