Faah faahin Dagaal ka Dhacay Shabeelaha Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal xoogan xalay uu ka dhacay halkaasi, gaar ahaan Deegaanada Lambar Kontan, Muuri iyo Deegaanka Aala Yaasir.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidanka Dowladda iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana weerarka uu bilowday kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidanka Dowladda ay ku laheeyaan Deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Dagaalka uu geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ee ku waxyeelowday Dagaalka Shabaabka xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen Deeganada Shabellaha Hoose ka tirsan ee ciidamada Dowladda ay ku sugnaayeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan Khasaaraha rasmiga ah ee dagaaladaasi ka dhashay.