Edinson Cavani oo dhameystay tijaabada Caafimaad

Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa inuu dhameystiri doono tijaabada caafimaadka ee Manchester United saacadaha soosocda, iyadoo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono weeraryahanka dhexe inuu yimaado maalinta ugu dambeysa suuqa.

United ayaa lala xiriirinayay 33 jirkaan si goos goos ah dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, laakiin wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain ayaa sii xoogeystay 48-kii saac ee la soo dhaafay.

 

Cavani ayaa la sheegay inuu u safray England subaxnimadii Axada si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Red Devils, sida uu sheegayo saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano, ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro heshiiska.

Romano waxa uu sheegayaa in khidmadaha wadahadalka, uu noqon dono 10m (£ 9m), , weeraryahanka dhexe-na uu hehsiiska dhameysirmay inta ugu badan.

Kooxda heysata 20ka jeer horyaalka Ingariiska ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dhameystirto heshiiska daafaca bidix ee FC Porto Alex Telles ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

United ayaa kaliya seddex dhibcood ka heshay seddexdii kulan ee Premier League xilli ciyaareedkan waxaana guuldarro 6-1 ka soo gaartay Tottenham kulankii xalay.