Ousmane Dembele oo ku biiraya Manchester United

Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa inuu ‘u furan yahay’ inuu ku biiro Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan 5ta bisha October.

Red Devils ayaa si xoogan loola xiriirinayay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France si uu bedel ugu noqdo Jadon Sancho, kaasoo umuuqda inuu sii joogi doono Borussia Dortmund xagaagan.

United ayaa haatan wajaheysa loolan ka dhan ah saacada si ay ula soo saxiixato Dembele, laakiin sida uu sheegayo saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, heshiiska ayaa ‘wali socda’ wuxuuna marayaa marxaladihii ugu dambeeyay ee daaqada.

Romano, oo sheekadaan si cusub usoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter ayaa sidoo kale sheegaya in Dembele uu ‘u furan yahay’ fikradda ah inuu u dhaqaaqo Old Trafford maalinta ugu dambeysa suuqa.

Barca ayaa la sheegayaa inay dooneyso inay 23 jirkaan kaga iibiso United heshiis joogto ah, laakiin kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa inay kaliya xiiseyneyso heshiis amaah ah.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka 2018 wuxuu ciyaaray kaliya 20 daqiiqo kubada cagta La Liga xilli ciyaareedkan, wuxuuna ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Sevilla ee La Liga habeenkii xalay.