Garabka kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa aragtidiisa ka dhiibtay kulanka xoogan ee toddobaadka soo socda dhex mari doona kooxdiisii hore ee Chelsea iyo kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City.
Kulankan oo ah mid Sabtida soo socota ka qabsoomi doona Etihad Stadium ayay labada kooxood oo ay haatan Chelsea dhibco sarraysaa isku faro saari doonaan Etihad Stadium.
Arrinta argagaxa kusii ridi karta kooxda da’yarta u badan ee tababare Frank Lampard ayaa ah in markii ugu dambaysay ee ay halkaas booqdeen nus darsin goolal ah oo bilaa jawaab ah (6-0) lagaga soo guuleystay.
Haatan Hazard oo waraysi siiyay Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisii hore ee Chelsea ay halkaas guul kusoo gaadhi karto si ka duwan qaabkii looga guuleystay kooxdii uu ka tirsanaa xilli ciyaareedkii hore.
Eden oo Sky u warramaya aragtidiisa kulankana dhiibanaya ayaa yidhi “Dabcan way garaaci karaan Man City, Ma noqonayso mid sahlan, Way adagtahay in halkaas lagu ciyaaro markii ugu dambaysay ee aanu halkaas ku ciyaarnayna waxaanu ku guuldarraysanay 6-0”.
“Sidaa darteed aniga ahaan iyo Chelsea ahaanba waa xusuuso xun laakiin waxaan filayaa xilli ciyaareedkan iyagu dhab ahaantii waa kuwo wanaagsan, Dhab ahaantii waa kuwo da’yar laakiin wanaagsan, Sidaas darteed maxaa diidaya inay halkaas tagaan oo ay kulanka guuleystaan?”.



