Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo Al-Shabaab lagula weegtay deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday godad ay ku jireen maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana la soo werinayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa shegay in ay bartilmaameedsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana duqeymaha ay ka socdaan duleedka deegaanka Daaru nimca.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in haatan ay howlgallo ka wadaan halkaasi, kuwaas oo lagu baacsanayo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.



