Duqeyn uu fuliyay Mareykankaa oo lala eegtay xero Al-Qaacida leedahay oo ku taalla Suuriya ayaa lagu dilay 100 qof. Sida waaxda difaaca ee Pentagon-ka ay sheegtay.
Duqeyntaas ayaa lagu fuliyay amarkii ugu dambeeyay ee uu bixiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka, Capt Jeff Davis ayaa sheegay in xerada Al-Qaacidda oo ku taalla gobolka Idlib ay ku tababaranayeen dagaalyahanada, tan iyo 2013-kii.
Weerarka duqeynta ah waxaa ka qeybgalay diyaaradaha B-52 iyo tiro aan la sheegay oo ah diyaaradaha aan cidina saarneyd ee drones-ka.
Capt Davis wuxuu sheegay in weerarka looga hortagaayay howlaha tababarada “waxayna niyad jebineysaa xagjiriinta ka midka ah ama la shaqeeyo Al-Qacidda ee Suuriya”, ayuu hadalkiisa ku daray.
Wuxuu tilmaamay in dhowaanahan ay qaadeen weeraro ka dhan ahaa Al-qaacida oo guul ku dhammaaday.
“Weerarada waxaa loo fuliyay si degdeg ah, waxaana lagu curyaamiyay awoodda Al-qaacida, iyo in la marin habaabiyo madaxdooda”, ayuu yiri.


