Muqdisho-RisaalaFM- Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta uu Guddoomiyaha Golaha shacabku uu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa kala ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Maxamed Faroole, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti, waxayna kala hadleen hanaanka Doorashadda Madaxweynaha dalka sida ay u dhacayso iyo hubinta in Doorashadu u dhacdo si hufan oo dooh furan .
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhamaan Musharaxiinta Guddoonsiiyey buugaag ay ku qoran yihiin taxanaha Doorashadda golayaasha sharci dajinta dalka laga soo bilaabo sanadkii 1959-kii iyo habraaca Doorashadda Madaxweynaha iyo xeer hoosaadka u gaar ah.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay ula dhaqmaan si isku mid ah Musharxiinta islamarkaana Doorashaddu ay ku dhicidi doonto hanaan Cadaaladda ah oo ay ka maran tahay nin jeclaysi.
Guddoomiyayaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa tilmaamay in marka ay soo dhamaanto Doorashadda Guddoonka Aqalka Sare la samayn doono Guddi Baarlamaani ah oo soo saari doona jadwalka Doorashadda Madaxweynaha xilliga ay dhici doonto.



