Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday degaanka Sheekh Axmed Yare

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada Dhexe, diyaarado dagaal oo loo maleynaayo in laga leeyahay dalka Mareykanka, ayaa duqeyn waxa ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday inta u dhaxeysa Jilib iyo Magaalada Kamsuuma, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Sheekh Axmed Yare oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Wararka ayaa sheegaya in dhawr Gantaal Diyaaradaha ay ku dhufteen degaankaasi oo la aaminsan yahay inay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsanaa  Al Shabaab, balse lama oga khasaaraha soo gaaray.

Ilo wareedyo ayaa Risaala u xaqiijiyay in si aad ah loo maqlaayay jugta gantaalaha ay ridayeen diyaaradaha dagaalka ee duqeynta fuliyay, taasi oo argagax way ku abuurtay Bulshada ku nool Degmada Jilib.

Ma jirto faah-faahin rasmi ah  oo ku aadan Diyaaradahan duqeynta fuliyay.

Dhawaan ayeey aheyd markii Mareykanka iyo Dowladda Somaliya ay si wadajir ah u sheegteen duqeyn ka dhacday Shabellaha hoose in lagu dilay Gudoomiyihii Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Jabal.