Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa amartay in xabsiga la dhigo ruux looga shakiyay inuu ururiyay xogaha dhanka sirdoonka ee dowlada Kenya iyo Ethiopia uuna u gudbin jiray ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
Maxamed Cali Korane, ayaa waxaa marka hore xiray ciidamada dowlada Ethiopia waxaana lagu wareejiyay hayadaha amaanka ee magaalada Mandheera ee dalka Kenya.
Waxaa lagu eedeeyay inuu ururin jiray warbixinada dhanka sirdoonka oo ay adeegsan jireen Alshabaab marka ay qaadayaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow dhow Xuduuda Soomaaliya.
Qaadiga maxkamad lasoo taagay Maxamed Cali ayaa amray in laamaha amaanka gaar ahaan waaxda la dagaalanka waxay ugu yeereen Argagixisada ee booliska iney ku baaraan muddo 7 maalin ah.
Garsooraha deegaanka Mandheera Duncan Mtai ayaa sidoo kale amray in baaritaan kadib 6-da april maxkamada lagu soo celiyo Maxamed Cali.
Hayadaha amaanka dowlada Ethiopia ayaa la sheegay iney feejignaan dheeri ah ka galeen weeraro Alshabaab ka geystaan deegaanada dhaca dhanka xuduuda iyaga oo ka duulaya weeraradii badnaa ee Alshabaab la geysteen Mandheera.


