“Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha oo marayey degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho xilli Madaxweynaha uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle. Weerarkaasi waa la fashiliyay, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay.”



