Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ay saameysay Abaarta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaallada  ay waddo DFS iyo goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Wasiirka ayaa sheegay in abaartani ay tahay tii ugu darnayd muddo 40 sanno ah,  taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof  oo u dhiganta 42% guud ahaan  dalka dadka ku dhaqan, isla markaana ay ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof, si ay u helaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan carruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guud ahaan si siman abaartu u saameysay dalka, balse sidaran ay u samaaysay dadka Reer Miyiga ah ee kunool degaano kamid ah gobolada, Bakool, Hiiraan, Gedo, Galgaduud, Nugaal Sool iyo Togdheer.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay saameysay tallaabooyin wax looga qabanayo abaarta, isla markaana ay u qeylo dhaamisay Caalamka, sidoo kalena laa soo bilaabo sanadkii 2021 dhammaan Golaha Xukuumadda laago laga jarayay Mushaarkooda si loogu maareyo arrimaha Abaaraha.