Howlgalkani oo ahaa mid ka dhan ahaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab waxeey ka fuliyeen degaanka Koban oo hoostaga degmada jamaame ee gobolka jubada hoose.
Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab una qaabilsanaa maaliyada gobolka jubada hoose kaasi oo lagu magacaabo Cali Garwayne iyo afar kamid ah ilaaladiisa.
Taliyaha ayaa sidookale tilmaamay in ciidanka sidoo kale ay wadada u dhexeeysa jamaame iyo kismaayo kasoo saareen miinooyin ay wada galiyeen Al-Shabaab kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka isticmaala wadadaasi sida uu hadalka u dhigay.
Gaashaanle Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalka weli uu socda isla markaana ujeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.



