Dowladda oo si kulul uga hadashay Maqnaanshaha Internet-ka

Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa si kulul uga hadlay Maqnaanshaha Internet-ka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in muddo ka badan 15 maalmood in uu internet-ku ka maqan yahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, islamarkaana ilaa iyo hadda aysan jirin tilaabo horay loo qaaday.

Waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doono kuwii Gooyay qadka Internet-ka iyo sidoo kale cidii horay maamulka  Internetka u haysay.

Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa sidoo kale tilmaamay in aan looga hari doonin dadka maamula Internet-ka Khasaarihii soo gaaray Bulshadda Soomaaliyeed intii uu maqnaa Internet-ka.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan Maqnaanshaha internet-ka oo uu sheegay in uu caqabad ku yahay Bulshadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Boostadda dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in maalintii Shacabka Soomaaliyeed ay khasaaraan lacag ka badan 10 Milyan oo dollar.