Dowladda oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyay xadka kala qeybiya gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galguud dhanka Waqooyi Barri kaga beegan degaanka Ceel-bacad.

Taliye-kuxigeenka Guutada 16-aad ee kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab G/le Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ay sheegay in howlgalka lagu dilay 67 dagaalame oo katirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay bur buriyeen fariisimo ay ku sugnaayeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay taliye kuxigeenka inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab si ay Ciidamadu u gaaraan degaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab ee kuyaalla xadka kala qeybiya gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galguud.

Ciidamada DANAB ee howlgalka fuliyay ayaa ahaa kuwo shalay degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka saaray Al-Shabaab, waxaana Ciidamada hadda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ugu sii gudbayaan degaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.