Dowladda oo sheegtay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Buulo Kuunto iyo deegaano kale oo dhaca dhul beereedka dhinaca waqooyi kaga beegaan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay ku dileen Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hal Xubin oo kale , hub iyo gaari ay wateen Al-Shabaab.

War kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay Al-Shabaab si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo badan ka qaataan.

Saraakiisha dowladda ayaa uga digay dadka beeralayda ah iyo ganacsatada inay u hoggaansamaan Ammarada Al-Shabaab.